10 qof ayaa la xaqiijiyay inay dhinteen, halka toddobo kalena ay soo gaareen dhaawacyo halis ah ka dib shil gaari oo dhimasho badan dhaliyay oo ka dhacay xarunta ganacsiga ee Mukhonje ,deegaanka Lugari ee ismaamulka Kakamega.
Shilku wuxuu ka dhacay wadada mashquulka badan ee isku xirta Eldoret iyo Webuye, waxaana ku lug lahaa gaari nooca ay dadweynaha raacaan ee loo yaqaano mataatuuda iyo gaari xamuul ah.
Sida ay sheegeen goobjoogayaal, gaariga matatu-ga ah, oo ka soo safrayay Eldoret, ayaa gadaal kaga dhacay baabuur xamuul ah oo wadada la dhigay markii darawalku uu isku dayay inuu dhaafo gawaarida kale.
Guddoomiye xaafadeed ku xigeenka Deegaanka Maturu, Samuel Wamalwa ayaa xaqiijiyay dhacdadan, wuxuuna sheegay in darawalka matatuuga uu ka mid yahay dadkii ku dhintay shilka.




