DHEGEYSO:5 qof oo ku dhimatay dhisme ku dumay Kisii

0
309

Waxaa la xaqiijiyay dhimashada Shan ruux ka dib markii dhisme gacanta lagu hayay uu ku dumay aagga Suneka ee deegaanka Bonchari ee ismaamulka Kisii .
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dhismaha uu ku dul burburay guriyo u dhowaa oo ay ku jireen ku dhawaad 6 ruux.
Waxaa la soo samatabixiyay saddex qof oo kale oo la geeyay isbitaalka guud ee Kisii si loo daaweeyo.
Qaar ka mid ah goobjoogayaasha dhacdadaasi ayaa dareenkooda la wadaagay warbaahinta.