Waxaa sare u sii kacday tirada dhimashada ee ka dhalatay shilkii laga soo tabiyay degmada Kapkatet ee ku teedsan waddada weyn ee Kaplong iyo Kericho.
Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay in 15 qof ay shilkaasi ku nafwaayeen.
Shilkan oo u dhexeeyay saddex baabuur oo uu ka mid yahay gaadiidka dadweynaha ayaa sidoo kale sababay dhaawac halis ah waxayna tirada dhimashada korortay ka dib markii ay geeriyoodeen labo ruux oo dhaawac ahaa oo la daaweynayay.
Baaritaannada hor dhaca ayaa muujiyay in darawalka gaariga raaxada oo sarqaansanaa uu sababay shilka.
Qaar ka mid ah dhibbanayaasha iyo goobjoogayaasha shilkaasi ayaa la hadlay warbaahinta waxayna dowladda ugu baaqeen in ay dayactirto waddadaasi maadaama shilkan uu yahay midkii 7-aad ee halkaasi ka dhacay tan iyo billowgii sanadkan.
Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo waddooyinka ee dalka Davis Chirchir ayaa sheegay in iyadoo la kaashanaya maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka dhanka waddooyinka ee NTSA la soo celin doono agabka lagu ogaanaya in darawalka uu khamri soo isticmaalay iyo in kale.
Waxaa uu wasiirka xusay in ilaa 1000 agabkan ka mid ah la isticmaali doono si darawalkii la ogaaday inuu baabuur kaxeynayay isagoo sarqaansan loogu diido inuu gaari wado muddo sanad ah, in lagu ganaaxo 100,000 oo shilin , in la xiro labo sano mise labaduba lagu ciqaabo.