DHEGESO:Khasaaro hantiyadeed oo ka dhashay Dab xoogan oo saaka ka kacay suuqa weyn ee Magaalada Garissa

0
707

Suuqa ugu weyn magaalada Gaarisa ee loo yaqaano Suuq Mugdi ayaa saaka dab xoogan baa’bi’iyay.
Ganacsatada suuqaas ayaa soo gaartay khasaaro hantiyadeed oo malaayiin shillin ah.
Bakhaaro dhowr ah ayaa waxyeelo soo gaartay, waxaana burburay dukaamo badan.
Dabka ayaa in ka badan afar saacadood ka socday bartamaha magaalada Gaarisa ,iyadoo uu burburiyay gabi ahaanba suuqa .
Wali ma cadda sababta keentay dabka.
Dhacdadan ayaa waxaa ka hadlay ganacsatada uu saameeyay dabka.