DHEGEYSO:Wasiirka arrimaha gudaha oo dhaliilay hadal uu jeediyay taliyaha saldhigga Nyahururu

0
540

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Mr. Kipchumba Murkomen ayaa dhaliilay hadal uu dhawaan jeediyay taliyaha saldhigga booliiska ee Nyahururu Isaac Kimutus.
Waxaa uu sarkaalkan hoggaanka sare ee booliiska dalka ugu baaqay in marka la shaqaaleysiinaya ciidamada ammaanka la yareeyo tirada haweenka.
Waxaa uu tani u aaneeyay in marka ay jiraan xaaladaha adag sida dibadbaxyada ay haweenka booliiska ah u adkeysan karin.
Hasa ahaate wasiir Murkomen ayaa hoosta ka xarriiqay in adeegga qaran ee booliiska si la mid ah waaxyaha kale ee dowladda uu ku qasban yahay inuu u hoggaansamo xeerka isu dheellitirka jinsiysadeed marka shaqaaleysiinta la sameynaya.
Waxaa uu tilmaamay in taliyaha saldhigga booliiska ee Nyahururu uu farriintiisa u dhigay si aan wanaagsanayn.

Waxaa dareenka wasiirka mid la mid ah muujiyay taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Mr. Douglas Kanja oo shacabka u xaqiijiyay in marka saraakiisha amniga la howlgelinaya aan la sameyn doonin eexasho jinsiyadeed.
Waxaa uu intaasi ku daray in adeegga qaran ee booliiska uu leeyahay qayb qaabilsan arrimaha jinsiyadda sidaasi awgeedna aan haweenka lagu takoori karin dhinaca shaqaaleysiinta.

Xildhibaannada deegaanka Waqooyiga Laikipia Sarah Paulata Korere ayaa taliyaha ugu baaqday inuu si wanaagsan ula macaamilo booliiska haweenka ah.
Waxay dumarka ugu baaqday in hadalka taliyaha uunan wax walaac ah ku beerin.

Adeegga qaran ee booliiska ee (NPS) ayaa bayaan uu soo saaray iskaga fogeeyay hadalka Kimutus wuxuuna sheegay in mowqifkaasi uunan ahayn midka waaxda iyo si guud dowladda.
NPS ayaa dareenka taliyaha saldhigga booliiska ee Nyahururu ku tilmaantay mid shakhsiyeed waxayna intaasi ku dartay in haweenka ay door firfircoon ka qaataan dhaqangelinta xeerarka guud ahaan waddanka.
Taliyaha saldhigga booliiska ee Nyahururu Isaac Kimutus ayaa hadalka la qoonsaday sidatan u dhigay.