Dhaxal sugaha Sacuudiga ahna Raa’iisul Wasaaraha dalkaas, Maxamed bin Salman bin Abdulaziz Al Saud, ayaa Talaadadii khadka taleefoonka kula hadlay Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, si ay uga wada hadlaan horumarrada gobolka iyo kuwa caalamiga ah.
Waxaa ay ka wada hadleen arrimo ay labada dal danahooda ku jiraan iyo xiriirka laba geesoodka ah.
Sidoo kale waxaa ay ka wada tashadeen sidii loo horumarin lahaa iskaashiga u dhexeeya Sacuudiga iyo Ruushka.
Xaruunta Kremlin-ka ee Ruushka ayaa sheegtay in hogaamiyayaasha ay isla meel dhigeen qaadista tallaabooyin wadajir ah oo lagu xoojinayo iskaashiga siyaasadeed, ganacsi, dhaqaale iyo bini’aadantinimo.




