Dhaxal sugaha Jordan oo uu haleelay COVID-19

0
523

Dhaxal sugaha boqortooyada Jordan Al Xuseeyn bin Cabdullah ayaa lagu soo warramayaa inuu ku dhacay cudurka COVID-19.
Bayaan ay soo saartay boqortooyada ayaa lagu sheegay in dhaxal sugaha uu qaatay tallaalka ka dhanka ah caabuqa oo ay hadda xaaladdiisa caafimaad wanaagsan tahay.
Sidookale waxaa muddo shan cisho ah gurigooda lagu karantiili doonaa hoggaamiyaha Jordan boqor Cabdullah iyo xaaskiisa Rania.
Tallaabadan ayaa lagu tilmaamay mid taxaddar ah maadaama baaritaan lagu sameeyay boqorka iyo boqoradda ay ka soo baxday natiijo muujinaysa in aan cudurka COVID-19 laga helin.