Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamed Bin Salmaan ayaa booqan doona magaalada Washington, DC, ee Mareykanka dabayaaqada bishan si uu kulan shaqo oo rasmi ah ula yeesho Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Aqalka Cad, taasoo noqonaysa booqashadii labaad ee hoggaamiyaha Sacuudi Carabiya uu ku tago caasimadda Mareykanka muddo toddobo sano ah.
Wakaalada wararka ee Reuters ayaa soo tabisay in kulankan uu dhici doono 18-ka bishan November.
Booqashada Maxamad Bin Salmaan ayaa timid iyadoo Trump uu ku cadaadinayo dalalka inay ku biiraan Heshiisyada Abraham.




