DHEGEYSO:Dhammaan isbitaallada isku dayay inay khiyamaan SHA oo dacwad lagu soo oogi doono

0
442

Madaxweyne William Ruto ayaa sheegay in ku dhawaad kun isbitaal oo lagu helay khiyameynta lacagta SHA in dacwad lagu soo oogi doono.
Isbitaallada ayaa haatan shatiyada lagala laabtey ka dib markii lagu helay wax isdawamarintan.
Madaxweynaha ayaa sheegay in ka qaadista shatiyada ay tahay talaabadii ugu horeysay ee lagu xaqiijinayo isla xisaabtanka sheegashooyinka SHA, kadibna lagu soo oogi doono dacwad.
Hadalkan ayuu sheegay xilli uu Sabtidii shalay ahayd ka qayb galay xaflad xilka loogu wareejiyay baadari John Kiplimo Lelei taasoo ka dhacday garoonka ciyaaraha ee Eliud Kipchoge ee magaalada Kapsabet ee ismaamulka Nandi.
Madaxweyne Ruto ayaa uga mahadceliyey kaniisadda sida ay dowladda ugala shaqeyneyso qeybaha kala duwan ee dhaqaalaha, sida waxbarashadda iyo caafimaadka.
Waxaa uu ku ammaanay ismaamulka Nandi in uu yahay lambarka 12 ee dalka oo dhan diiwaan gelinta SHA, iyadoo 450,000 oo qof ay iska diiwaan geliyeen, isagoo ku booriyay Kenyaanka in ay sii wadaan diiwaan gelinta barnaamijka daryeelka caafimaadka caalamiga ah.
Dhanka mashaariicda horumarineed ee Nandi madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda ay fasaxday lacag dhan 3.6 bilyan oo shilinka dalka ah si loo dhamaystiro mashaariicda waddooyinka ee dowlad deegaanka.
Waxaa uu intaa ku daray in dowladda qaranka ay kaashan doonto dowladda ismaamulka Nandi si loo horumariyo isku xirka waddooyinka magaalada Kapsabet.
Sidoo kale, madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda ay u qoondeysay 1.4 bilyan oo shillin si 20,000 oo qoys oo ku nool dowlad deegaanka Nandi loogu xiririiyo koronto.
Madaxweyne Ruto ayaa ugu baaqay dadka Kenyaanka ah inay ku kalsoonaadaan dalkooda iyo mashaariicda isbedel doonka ah ee dowladda.

Dhanka kale Wasiirka Caafimaadka dalka Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay in qaar ka mid ah dadka dalbanaaya in uu xilka iska casilo ay ka mid yihiin milkiilayaasha isbitaallada la xiray.