Dhallinyaro isku dayay in ay weeraraan saldhigga booliiska ee Bondo oo la xiray

0
306

Waxaa xabsiga loo taxaabay 12 dhallinyaro ah oo ku eedeysan in ay isku dayeen inay weeraraan saldhigga booliiska ee deegaanka Bondo ee ismaamulka Siaya.
Waxaa arrintan xaqiijiyay taliyaha booliiska ee dowlad deegaankaasi Cleti Kimaiyo.
Waxaa uu taliyaha xusay in abaare 2-dii galabnimo ee shalay ay da’yartan billaabeen in ay dhagaxaan ku tuuraan saldhigga iyagoo isku dayay in ay waddooyinka xiraan.
Hasa ahaate, waxaa si degdeg ah u falceliyay ciidamada booliiska ee qaabilsan la tacaalidda rabshadaha.
Taliyaha ayaa xusay in howlgalkaasi lagu soo qabtay 12 eedeysanayaal ah in kastoo aynan jirin waxyeello ka dhalatay.
Waxaa uu qorshuhu yahay in tuhmanayaasha maanta maxkamadda la soo taago.