Dhallinyarada iyo wadayaasha mootooyinka oo laga qayb gelinayo ololaha nabadeed ee dalka

0
349

Dowladda dhexe ayaa sheegtay in la guda galayo olole ballaaran oo looga gol-leeyahay in lagu xoojiyo nabadgalyada ka hor doorashada guud ee sanadka 2022-ka.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiang’I ayaa xusay inay si gaar ah u bartilmaameedsanayaan dhallinyarada iyo wadayaasha mootooyinka.
Matiang’i ayaa tilmaamay in kooxahan ay yihiin dhinacyada ay ka faa’iidaystaan siyaasiyiinta marka ay doonayaan inay rabshad abuuraan.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in olalaha nabadeed laga qayb gelin doono madaxa diimaha si ay sare ugu qaadaan wacyigelinta ku aaddan muhiimadda ay leedahay in si nabad ah loo wada noolaado.
Waxaa uu Dr. Matiang’i carrabka ku adkeeyay inay jiraan goobo gaar ah oo la ogaaday inay dhibaatooyin ka dhici karaan sidaas awgeedna deegaanadaasi laga sameyn doono barnaamijyada ugu badan ee wacyigelinta.