Dhallinta xisbiga KANU oo iska fogeeyay heshiiska uu Gideon Moi la galay madaxweyne Ruto

0
133

Dhalinyaradda xisbiga KANU ayaa iska fogeeyay wada shaqeyntii ay dhawaan yeesheen Madaxweyne William Ruto iyo Guddoomiyaha xisbigaas Gideon Moi.
Warsaxaafadeed ay soo saareen maanta ayay dhallinyarada xisbiga waxaa ay ku adkaysteen in qiyamka xisbiga uunan la jaanqaadi karin waxqabadka maamulka hadda jira.
Xisbiga ayaa waxaa uu ku adkaystay in go’aankiisa uu ahaan doono in dowladda ay ka shaqeyso danaha shacabka, isla markaana aynan jirin wax wada shaqayn ah ama heshiis isbahaysi oo badbaadin kara nidaam ka hor imanaya nidaamka dowladnimo ee dastuuriga ah iyo ilaalinta sharciga.
Si gaar ah, garabka dhallinyarada ee xisbiga ayaa waxaa uu ku adkaystay in qiyamkooda iyo fikradahooda aanay la jaanqaadin afduubyada joogtada ah iyo dilalka ka baxsan sharciga, xad gudubyada xuquuqul insaanka, ku takri falka awooda iyo gebi ahaanba tixgalin la’aanta sharciga.
Taa beddelkeeda waxaa ay ku andacoodeen in xisbiga xoogga saarayo horumarinta sharciga, dimuqraadiyadda iyo madaxbannaanida hay’adaha.
Sidaasi darteed, waxay ku booriyeen dowladda in taa beddelkeeda ay xoogga saarto arrimaha xasaasiga ah, sida dhibaatooyinka ka jira caafimaadka, tayeynta nidaamka waxbarashada si ay u noqoto mid la awoodi karo oo cid walba ay heli karto, ilaalinta sharciga iyo soo afjarida hab dhaqanka ku meel gaarka ah ee dadka dhaliila dowladda.
Waxaa kaloo ay meesha ka saareen tillaabadii Ruto ee ahaa in la mideeyo dabaqadda siyaasadeed ee hoos timaada dowladda sal ballaaran, iyagoo ku nuuxnuuxsaday in nidaam shaqo oo kaliya uu ku filnaan doono midaynta dalka.
Baaqan ayaa imaanaya afar maalmood un kadib markii madaxweyne Ruto uu ku dhawaaqay in xisbiga KANU uu ku biirayo dowladda sal ballaaran si loo mideeyo dalka, loona hormariyo aragtida madaxdii aas aasay waddanka.