Dhakhtar lagu cadeeyay argagixisannimo oo la xiray 12 sano

0
320

Waxaa xukun xabsi oo 12 sano ah lagu riday sarkaal caafimaad oo u dhashay dalkani Kenya kaasi oo lagu magacaabo Maxamad Cabdi Cali balse loo yaqaano magacyada Abu Fidaa, Abu Shuhadaa iyo Abu Ramzi.
Tani ayaa timid ka dib markii lagu cadeeyay ka mid ahaanshaha kooxda isku tilmaanta khilaafada islaamiga ee ISIS iyo inuu dhallinyarada ku xiriiriyo maleeshiyaadka kale ee ka jira dalka Liibiya.
Dembiyada lagu helay oo gaaraya ilaa shan waxaa ka mid ah inuu qabanqaabiyay kulan lagu taageerayay kooxaha argagixisada ah oo xubno loogu shaqaaleysiinayay.
Waxaa xukunka 12-ka sano ee xarigga ah ku ridday garsoore Martha Mutuku.
Waxay sheegtay in ay tixgelisay 8 sano oo uu xabsi ku jiray iyadoo ay dacwadda ka dhanka ah socotay.
Qareenka sare ee waaxda dacwad oogidda ,Duncan Ondimu ayaa soo jeediyay in eedeysanaha la xiro 22 sano maadaama la xaqiijiyay inuu xubin ka ahaa koox argagixiso.
Waaxda dacwad oogidda ayaa sheegtay in ay racfaan ka qaadan doonto xukunka xarigga 12-ka sano ah.
Ondimu ayaa horay maxkamadda u waydiistay in eedeysanaha uu xabsi galo 90 sano marka la eego sida ay u culus yihiin dembiyada lagu soo oogay iyo saameynta ay qaranka ku leeyihiin.
Xarunta qaran ee la dagaallanka argagixisada ee NCTC ayaa soo dhaweysay xukunka la saaray Maxamad Cabdi Cali .
Xaruntan ayaa dowladaha ku boorrisay in ay sii wadaan iskaashiga ka dhanka ah argagixisada.
29-kii bishii Afaraad ee sanadkii 2016-kii ayay ahayd markii Maxamad Cabdi Cali laga qabtay gurigiisa oo ku yaalla magaalada Wote ee ismaamulka Makueni .