Howlwadeennada caafimaadka ee ismaamulka Nyamira ayaa soo saaray digniin ku aaddan shaqo joojin ay ku dhaqaaqayaan.
Waxay ka cabanayaan in labadii bilood ee la soo dhaafay aan mushaaraad la siin.
Digniinta la xiriirta shaqo joojinta waxaa ku dhawaaqay xoghayaha ururka dhakhaatiirta dalka ee KMPDU laanta gobolka Nyanza Dr. Aggrey Orwenyo.
Warqad uu u qoray madaxa adeegga dadweynaha ee ismaamulkaasi ayuu ku sheegay in sidoo kale ay yartahay tirada dhakhaatiirta ee ka shaqeeya xarumaha caafimaadka Nyamira sidoo kalena aan howlwadeennada la dallacsiin.
Dowladda ismaamulka Nyamira ayay u qabteen muddo toddobo cisho ah oo ay ku bixinaysa mushaaraadkooda haddii kale ay shaqo joojin guda galayaan.