Dhakhaatiirta Machakos oo ka laabtay shaqo joojin ay iclaamiyeen

0
382

Dhakhaatiirta caafimaadka ee ismaamulka Machakos ayaa si rasmi ah u joojiyay shaqo joojin ay qorsheeyeen in ay ku dhaqaaqaan laga bilaabo saqda dhexe ee caawa .
Go’aanka ayaa daba socday heshiis ay la saxiixdeen maamulka Machakos kaas oo looga gol lahaa in wax looga qabto cabashooyinka soo jireenka ah ee shaqaalaha caafimaadka.
Heshiiskan Waxaa lagu saxiixay Isbitaalka Heerka 5 ee Machakos fiidnimadii xalay , heshiisku wuxuu iftiimiyay qodobbada muhiimka ah, oo ay ku jiraan kor u qaadida Saraakiisha Caafimaadka ,mushaar kordhin, iyo xoojinta xaaladaha shaqada si loo taageero shaqaalaha caafimaadka.