Dhakhaatiirta dalka oo soo saaray wargelin la xiriirta shaqo joojin

0
318

Ururka dhakhaatiirta dalka ee KMPDU ayaa sheegay in bisha koowaad ee sanadka soo socdo xubnaha ka tirsan ay shaqo joojin ku dhaqaaqi doonaan.
Xoghayaha guud ee KMPDU ,Dr Davji Atellah ayaa sheegay in aan la dhaqangelin heshiis ku saleysnaa gorgortan oo ay sanadkii 2017-kii la saxiixdeen dowladda dhexe iyo ismaamullada.
Sidoo kale ururka KMPDU ayaa doonaya in muddo 100 cishe gudaheeda ah lagu soo dhiso guddiga adeegga caafimaadka.
Ururkan ayaa shaaciyay in 30 cishe ka dib uu shaqo joojin billaabi doono maadaama ay dowladda ku eedeynayaan inay ku guul dareysatay dhaqangelinta heshiiskii la gaaray sanado ka hor.
KMPDU ayaa intaasi ku dartay inuu jiro gaabad dhanka tirada dhakhaatiirta ah oo aan la shaqaaleysiin in ka badan 5000 oo soo bartay culuunta caafimaadka.
Sidoo kale dalabaadka ururka KMPDU waxaa ka mid ah in dhakhaatiirtu qaybta ka ah Barnaamijka caafimaadka guud ee UHC in loo shaqaaleysiiyo qaab joogto ah oo aynan qandaraas ku howlgelin.