Dhakhaatiirta dalka oo ku hanjabay shaqo joojin

0
326

Ururrada dhakhaatiirta dalka ayaa wacad ku maray in xubnaha ay matalaan ay toddobo cishe ka dib ku dhaqaaqi doonaan shaqo joojin.
Waxay cabasho ka muujinayaan mushaaraadka ka soo dib dhacay.
Shir jaraaid oo ay qabteen ayay ka sheegeen in 40 ka mid ah ismaamullada dalka aynan lacago siin saraakiisha caafimaadka tani oo ay ku tilmaameen mid walaaceeda leh.
Sidoo kale waxay sheegeen in qiyaastii 10 sano ka dib markii la daadajiyay arrimaha caafimaadka in ilaa iyo hadda aan la soo saarin nidaam cad oo adeegyada waaxdan looga dhigaya kuwo wax ku ool ah.
Xoghayaha guud ee ururka dhakhaatiirta dalka ee Dr. Davji Atellah ayaa sheegay inay ka daaleen eedeymaha ay isu jeediyaan dowladda dhexe iyo ismaamullada sidaas awgeedna ay dalbanayaan in wax laga qabto tabashooyinka howlwadeennada caafimaadka.