Dhakhaatiirta dalka oo bilaabay shaqo joojin

0
107

Bukaanada dalka ku nool ayaa la kulmi kara dib u dhac ku yimaada adeegyada daryeelka caafimaadka ee isbitaallada dadweynaha ka dib markii ay shaqo joojin bilaabeen dhakhaatiirta qaranka.
Dhakhaatiirta ayaa ku eedeeyay dowladaha ismaamulada iyo dowladda dhexe ee dalka in aysan si buuxda ah u dhakhan galin heshiiskii ku saleysnaa gorgortanka .
Waxaa ay sido kale ku eedeeyeen dowlada in ay iska indho tirtay amar ka soo baxay Maxkamadda oo ku aadan in xal waara ah loo helo cabashooyiinka dhakhaatiirta.
Dhakhaatiirta ayaa sido kale tilmaamey in dowladda aysan wali xallin tabashooyiinka ay qabaan iyo caqabadaha ay dareemayaan in ka badan 8,000 oo dhakhaatiir ah.
Dhakhaatiirta ayaa horaan 20 cisho ah u soo saaray digniin shaqo joojin balse dowladda ayaana sameyn wax ka hortag ah taasi oo keentay in dhakhaatiirta ay guda galaan shaqo joojintooda ay horey u iclaamiyeen.