Ururka ay ku mideysan yihiin dhakhaatiirta daawooyinka ka bixiya isbitaallada ee KUCO ayaa shaaciyay in laga billaabay saqda dhexe ee xalay ay shaqo joojin billaabeen.
Guddoomiyaha ururkan Peterson Wachira ayaa tani u aaneeyay in wasaaradda caafimaadka iyo ismaamullada aynan tixgelin tabashooyinkooda.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo dhakhaatiirta ku mideysan dalladda KMPDU ay shaqo joojin ku guda jiraan maalinkii 19-aad.
Dhanka kale qaar ka mid ah baadariyaasha kaniisadaha wadanka ayaa dowladda ugu baaqay inay xalliso shaqo joojinta dhakhaatiirta si kenyaanka looga dul qaado culeysyada nololeed.