Dhakhaatiirta ka howlgalo ismaamulka Busia ayaa wacad ku maray inay mar kale shaqo joojin ku dhaqaaqi doonaan haddii hoggaanka dowlad deegaankaasi uunan xallin tabashooyinkooda.
Tani ayaa timid ka dib markii howlwadeennadan ay shalay kulan la qaataan ururka dhakhaatiirta dalka ee (KMPDU) oo ay hor kacayaan xoghayaha guud Dr. Davji Atellah iyo ku xigeenkiisa Dr. Dennis Miskellah.
Dhakhaatiirta Busia ayaa doonaya in la dallac siiyo sidoo kalena dhammaan isbitaallada la geeyo qalab ku filan oo ay ku shaqeyn karaan.




