Waxaa shalay galab magaalada Dadaab isku dilay wiil yar oo da’diisa lagu sheegay 13 sano jir.
Wiilkan oo lagu magacaabi jiray Iftiin Cabdiqaadir Bashiir ayaa la sheegay inuu isku ciijiyay gurigii uu ku noola, iyadoo la arkay isagoo meyd ah oo ka laalaada gudaha gurigooda.
Dhacdadan oo laga soo tabiyay mid ka mid ah xaafadaha magaalada Dadaab ayaa waxaa si aad ah uga argagaxay dadka deegaanka ,waxaana meydka saaka lagu aasay isla magaaladaasi.
Abaha dhalay wiilka iska takhalusay ayaa u warramay warbaahinta Star, isagoo ka sheekeeyay sida ay wax u dhaceen.
Waxaa uu warramay wakiil wareedaka warbaahinta Star ee deegaanka Dadaab Maxamuud Baaruud Xuseen