Waxaa cayaartii kama dambeyska ahayd ee tartamada kubadda cagta ee ay maalgelinaysa shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom ee Chapa Dimba oo loo qabtay ismaamullada gobolka Waqooyi Bari ku guulaystay xulka Wajir All Stars oo matalayay dowlad deegaanka Wajeer.
Waxay tartanka kaga adkaadeen naadiga magaalada Garissa ee Lyon 04 FC oo matalayay ismaamulka Garissa.
Cayaarta oo lagu qabanayay garoonka jaamacadda Garissa ayaa ku soo idlaatay 2-0.
Barasaabka ismaamulka Garissa, Nathiif Jaamac Aadan oo ka dib markii ay cayaarta soo dhamaatay warbaahinta la hadlay ayaa u hambalyeeyay Wajir All Stars oo ay maanta guusha raacday.
Sidoo kale waxaa uu u hambalyeeyay kooxaha cayaartooyda ee ismaamullada Waqooyi Bari isagoo sheegay in ka ismaamul ahaan ay door ka qaataan arrimaha cayaaraha taasina ay sii wadi doonaan.
Dhanka kale, tababaraha xulka Wajir All Stars ee tartanka kama dambeyska ah ku guulaystay Axmad Cabdullahi Maxamad ayaa isna dareenkiisa la wadaagay warbaahinta Star wuxuuna u warramay Maxamad Cali Madoobe.