DHAGEYSO:Xubno ay ka mid tahay madaxii hore ee fulinta ee Star FM oo maanta loo dhaariyay guddiga cabashada warbaahineed

0
457

Garsooraha maxkamadda sare ee dalka Caroline Kendagor ayaa maanta xilalkooda u dhaarisay guddoomiyaha iyo xubnaha guddiga qaabilsan qabashada cabashooyinka ka dhanka ah wariyaasha iyo warbaahinta dalka .
Shakhsiyaadkan ayaa lagu dhaariyay xarunta maxkamadda ugu sarreysa waddanka ee Supreme Court ee magaalada Nairobi.
Waxay kala yihiin Demas Kiprono oo guddoomiye ah iyo xubnaha Kantim Mwanik, Maseme Machuka, Polly Waweru iyo Nasra Xuseen Cumar oo horay u ahayd madaxii fulinta ee idaacadda Star FM.
Guddigan ayaa ka tirsan golaha warbaahinta dalka ee MCK.
Nasra Xuseen Cumar ayaa Mowlid Maxamad Shuuriye uga warrantay dareenkeeda iyo shaqooyinka guddiga ay ku biirtay.