Xoolo dhaqatada ismaamulka Kwale ee gobolka Xeebta ayaa laamaha ammaanka ka codsaday in ay wax ka qabtaan falal la xiriira dhaca xoolaha.
Waxay sheegeen in dhacdooyinkan ay ku soo bateen dowlad deegaankaasi.
Taliyaha booliiska ee Kwale , Cali Nunow ayaa sheegay in ay wadaan baaritaanno arrimahan ku aaddan oo tallaabo sharciyeed laga qaadi doono cidii lagu caddeeya in ay ku lug leedahay.