DHAGEYSO:Xoghayaha UDA oo dhaliil u jeediyay Raila Odinga iyo Uhuru Kenyatta

0
179

Xoghayaha Guud ee xisbiga talada wadanka haya ee UDA Cleophas Malala ayaa madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga iyo madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta ku dhaliilay inay qayb ka yihiin shidaalka wadanka la soo geliyay ee la sheegay inay ku baxday in ka badan 17 bilyan oo shilin taasoo abuurtay hadal hayn badan.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in arrinta la sheegay ee ah in shidaalkan ay dalka keentay Ann Njeri ka dibna laga xannibay ay tahay dacaayad sida uu hadalka u dhigay lagu dhaawacaya sumcadda maamulka wadanka hoggaamiya.
Malala ayaa arrimahan ka hadlay xilli uu shir jaraaid qabtay in kastoo uunan caddeymo soo bandhigin.
Waxaa uu intaasi ku daray in ilaa iyo hadda aynan jirin caddeyn muujinaysa in Ann Njeri ay 17 bilyan ku keydisay akoon bangiyadeed oo ay dibadda u xawishay si shidaalka loogu soo dhiibo.
Waxaa uu Raila iyo Uhuru ugu baaqay inay shaaca ka qaadaan danta ay ka leeyihiin arrimaha shidaalka ee ay dowladda dhexe ku dhaliilayaan heshiisyo ay saxiixday.

Hasa ahaate Raila Odinga iyo Uhuru Kenyatta ayaan weli ka hadlin dhaliisha uga timid Malala.
Dhawaan ayay ahayd markii hoggaamiyaha Azimio uu dalbaday inay is casilaan wasiirka tamarta ee dalka Davis Chirchir iyo dhigiisa maaliyadda Njuguna Ndung’u.