Xoghayaha ururka ay ku mideysan yihiin macallimiinta dugsiyada sare ee KUPPET laantiisa ismaamulka Wajeer Yuusuf Cabdullahi Maxamad oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta Star ayaa dareenkiisa ku biiriyay doodda ka dhalatay qorshaha ay dowladda dhexe shaqaalaha uga jaraysa boqolkiiba 3 ee mushaarka si loogu biiriyo sanduuqa guriyeynta.
Waxaa uu Yuusuf hoosta ka xarriiqay in tani aynan suurtagal ahayn maadaama macallimiinta ay wajahayaan mushaar yari.
Xoghayaha KUPPET ee Wajeer ayaa madaxda laga soo doortay Waqooyi Bari iyo xildhibaannada kale ee baarlamaanka ka codsaday inay arrinkan ka soo horjeestaan oo aynan ansixin.
Yuusuf ayaa xusay in macallimiinta hadda laga jaro boqolkiiba 56 ee lacagahooda sidaasi awgeedna aynan xamili karin culeys dheeraad ah.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Xoghayaha KUPPET ee Wajeer oo ka soo horjeestay in macallimiinta mushaarkooda laga...