DHAGEYSO:Xoghayaha Jubilee oo beeniyay in Uhuru uu Raila kula taliyey inuu garab siiyo dowlad lagu mideysan yahay

0
450

Xoghayaha Guud ee xisbiga Jubilee Jeremiah Kioni ayaa beeniyay hadal uu dhawaan jeediyay madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga.
Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka ayaa sheegay in madaxweynihii hore ee qaranka Uhuru Kenyatta uu kula taliyay inuu madaxweyne William Ruto garab ku siiyo sidii loo soo dhisi lahaa dowlad lagu mideysan yahay si xaaladda loo dejiyo.
Hasa ahaate , Xoghayaha Guud ee xisbiga Jubilee oo uu ka tirsan yahay Uhuru Kenyatta , Jeremiah Kioni ayaa Raila ku eedeyay inuu qaranka marin habaabiyay oo uunan hadalkaasi ka run sheegin.
Waxaa uu ku tilmaamay shakhsi uu ka dhacay qalad siyaasadeed oo doonaya inuu cid kale magaceeda adeegsado.
Waxaa uu intaasi ku daray in Mr. Odinga laga doonaya inuu cadeeyo mowqifkiisa siyaasadeed gaar ahaan inuu taageersan yahay Kenyaanka ama dowladda.
Sidoo kale , Kioni ayaa xusay in ay ka sii mid ahaan doonaan garabka mucaaradka iyadoo uu hoggaaminaya madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka.