DHAGEYSO:Xoghayaha arrimaha gudaha oo beeniyay eedeyn loo jeediyay saraakiisha dowladda

0
473

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwidda howlaha qaranka Dr. Karanja Kibicho ayaa gaashaanka u daruuray eedeyn uga timid siyaasiyiinta isbeheysiga ee Kenya Kwanza.
Waxaa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay in saraakiisha maamulka ee dowladda iyo guddoomiye xaafadeedyada loo adeegsanaya in la iibsado aqoonsiga codbixiyeyaasha si loo farageliyo doorashada guud ee 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan.
Waxaa uu Kibicho sheegay in eedeyntan ay tahay mid aan loo meel dayin oo shacabka looga raadsanaya beer-laxawsi.
Xoghayaha ayaa ku celceliyay in marnaba dowladda dhexe aynan qorsheynayn in lagu shubto natiijada doorashada guud.
Waxaa uu dhanka kale siyaasiyiinta uga digay jeedinta hadallada aan laga fiirsan si ay dadweynaha codad uga helaan.
Karanja Kibicho waxaa uu musharraxiinta ku boorriyay inay qorshahooda hoggaamineed ka dhaadhiciyaan shacabka balse aynan ku mashquulin sida uu hadalka u dhigay inay dhaawacaam sumcadda guddoomiye xaafadeedyada iyo saraakiisha kale ee maamulka.