Xisbiga Wiper ayaa kulan uu labo cisho ku yeeshay magaalada Naivasha ee ismaamulka Nakuru ka dib waxaa uu shaaciyay inuu si buuxda u taageeraya isku soo baxyada siyaasadeed ee isbeheysiga mucaaradka ee Azimio uu ku qabanaya qaybaha wadanka.
Madaxa xisbigan Kalonzo Musyoka oo shir jaraaid qabtay ayaa sheegay in Wiper ay ka sii mid ahaan doonto garabka mucaaradka.
Sidoo kale xisbiga ayaa dhawaan guud ahaan dalka ka billaabi doono olole ay ku diiwaangelinayaan xubno cusub.
Shirka ka dhacay Naivasha ayaa waxaa ka qayb galay guddoomiyaasha ismaamullada, senatarrada, xildhibaannada iyo wakiillada golaha hoose ee lagu soo doortay tikedhka Wiper.
Waxyaabaha ay mas’uuliyiinta Wiper ku heshiiyeen waxaa ka mid ah in wakiillada golaha hoose ee xisbigan matalaya iyo barasaabyada ismaamulladooda inay wada shaqeeyaan.
Hoggaamiyaha Wiper Kalonzo Musyoka ayaa sidoo kale xaqiijiyay inuunan jirin siyaasi ka tirsan xisbigan oo madaxweynaha dalka kula kulmay xarunta madaxtooyada in kastoo qaar ka mid ah la casuumay.
The resolve & commitment by @WiperMovement members to firmly remain in the Azimio La Umoja – One Kenya Alliance & support the ongoing People's Barazas were some of the Resolutions we came to following our Party retreat. We remain intact and united. #HakikaTutaweza pic.twitter.com/HMQbBhgo6q
— Kalonzo Musyoka (@skmusyoka) February 19, 2023
"We are not for sale and are firmly in the Azimio La Umoja – One Kenya Alliance Coalition says @TheWiperParty PL @skmusyoka. pic.twitter.com/tWuHsMyPBN
— Paloma Gatabaki (@PalomaGatabaki) February 19, 2023




