Xisbiga UDA ee uu hoggaamiyo madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa sheegay in maalinka Talaadada ee 19-ka bishan uu mar kale qaban doono qaar ka mid ah dooraashooyinkii isreebreebka ahaa ee dhacay.
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee UDA Antony Mwaura ayaa laga soo xigtay in doorashooyinka ku celiska ah ay ka dhici doonaan galbeedka magaalada iyo deegaanka Rongai, Mt Elgon oo ka tirsan ismaamulka Bungoma, bariga iyo galbeedka Turkana iyo deegaanka Moiben ee ismaamulka Uasin Gishu.
Tani ayaa timid ka dib markii walaac laga muujiyay qaabkii tartamada loo maamulay.
Guddoomiyaha ayaa intaasi ku daray in isreereeb ku celis ah lagu qaban doono deegaanka hoose ee Biashara ee bariga Nakuru , dhammaan deegaannada hoose ee Bumula, Mt. Elgon, Malava, Lugari, Likuyani , bartamaha Turkana iyo kuwo kale oo badan.
Mr.Mwaura ayaa dhammaan musharraxiinta ugu baaqay inay nabadda ku dadaalaan oo ayna xaqiijiyaan in jawiga codeynta uu yahay mid deggan iyadoo la raacayo xeerarka iyo mabaadi’ida siyaasadeed ee uu qeexaya dastuurka UDA.
Guddoomiyaha xisbiga ayaa shaaciyay in musharraxiinta loolanka ku guulaysta shahaadooyin la siin doono laga billaabo 23-ka ilaa 25-ka bishan Afaraad ee April.
Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo qaar ka mid ah musharraxiintii xilka deegaanka Turbo ee ismaamulka Uasin Gishu kuwaasoo loogaga adkaaday isreereebka ayb dibadbax ka sameeyeen magaalada Eldoret.
Waxay ku doodayaan in codeyntii dhacday Khamiistii la soo dhaafay aynan ahayn mid xor iyo xalaal ah.
Dhanka kale waxgaradka deegaanka Bondo ee ismaamulka Siaya ayaa madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ugu baaqay inuu mas’uuliyad gaar ah iska saara maamulka xisbiga oo uu amar ku bixiyo in lagu celiyo doorashooyinkii isreebreebka ahaa ee dhawaan halkaasi lagu qabtay.