DHAGEYSO:Xisbiga UDA oo dalbanaya in IEBC ay u yeerto taliyaha booliska

0
397

Xisbiga UDA ee uu hoggaamiyo madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa warqad u qoray guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC.
Xoghayaha guud ee UDA Veronica Maina ayaa doonaysa in IEBC ay u yeerto taliyaha guud ee ciidamada booliska wadanka Hillary Mutyambai iyo xildhibaanka deegaanka bariga Embakasi ee ismaamulka Nairobi Babu Owino si su’aalo looga weydiiyo iskuday ku aadanaa sida ay qoraalka ku sheegtay in isbeheysiga Kenya Kwanza laga hor istaago inuu shalay isku soo bax siyaasadeed ku qabto fagaaraha Jacaranda.
Waxay Veronica Maina ku andacoonaysa in xisbiga ODM iyo si guud isbeheysiga Azimio La Umoja ay adeegsadeen waaxda qaran ee adeegga booliska si qalalaase loo abuuro iyadoo la damacsan yahay in si aan sharci ahayn loo farageliyo isku soo baxa.
Waxay intaasi ku dartay in musharraxa xisbiga UDA ee deegaan baarlamaneedka bariga Embakasi Francis Mureithi uu 15-kii bishan sii qabsaday fagaaraha isagoo ismaamulka Nairobi ku wareejiyay lacag dhan 30,000 oo shilin hasa ahaate uu saaka la kulmay ciidamo badan oo xiray afaafka hore ee goobtaasi.
Sidoo kale xoghayaha guud ee xisbiga UDA ayaa soo jeedisay in Babu Owino laga hor istaago inuu ka qayb qaato doorashada guud ee bisha Siddeedaad iyadoo lagu saleynaya inuu ku xadgudbay xeerarka doorashooyinka ee ololaha iyo isku soo baxyada siyaasadeed.
Galinkii hore ee shalay ayay ahayd markii taageerayaasha Kenya Kwanza iyo kuwa Azimio uu iskudhac ku dhex maray fagaaraha Jacaranda .
Waxaa soo baxay warar sheegaya in labada dhinac ay isku taariikh codsadeen in goobtan loo fasaxo si ay isku soo bax ugu qabtaan.
Booliska oo taageerayaasha ku kala eryay sunta dadka ka ilmeysiisa ayaa hakiyay in halkaasi la isugu tago in kastoo markii dambe madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto iyo xulafadiisa ay garoonkaasi munaasabad siyaasadeed ku qabteen.
Iskudhaca maanta ayaa waxaa ku dhaawacmay labo qof oo midkood uu yahay musharraxa xisbiga UDA ee bariga Embakasi Francis Mureithi.
Musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Kenya Kwanza ahna madaxweyne ku xigeenka wadanka William Ruto ayaa sidatan u cambaareeyay falka shalay ka dhacay fagaaraha Jacaranda.