Xisbiga Kenya Union Party (KUP) ayaa billaabay tallaabo anshax laga qaadayo qaar ka mid ah xubnaha xisbigan oo u ku jiro mudanaha deegaan baarlamaneedka Koonfurta Pokot ,David Pkosing .
Waxaa xubnahan lagu eedeyay in ay ka horyimaadeen xeerarka u adegsan xisbiga.
Guddoomiyaha xisbiga Kenya Union Party (KUP) Geoffrey Lipale oo saxaafadda kula hadlay magaalada Kapenguria ee Galbeedka Pokot, ayaa sheegay in guddiga anshaxa ee xisbiga uu billaabay tallabo anshax marin oo ka dhan ah mudanaha iyo shakhsiyaadka kale oo xisbiga xubin ka ah.
Mr.Geoffrey ayaa xildhibaanka Koonfurta Pokot ku eedeyay tallaabada uu ugu biiray dadaallada ay isbeheysiga mucaaradka ee Azimio ku uruurinayaan saxiixyo ka dhan ah maamulka madaxweyne William Ruto.
Waxaa uu sheegay in xisbiga Kenya Union Party (KUP) uu taageersan yahay maamulka talada wadanka haya ee Kenya Kwanza, islamarkaana cidii ka hor hortimaada go’aankan ay ku xadgudubtay xeerarka u yaalla xisbigan.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Xisbiga KUP oo sheegay in tallaabo anshax ah laga qaadayo xildhibaanka Koonfurta...




