Xisbiga (DAP-K) ayaa beeniyay warbixinno tilmaamaya inuu xisbiga ODM la galay heshiis ku saabsan qaabka musharraxiintooda ay ugu kala tartamayaan xilalka hoggaanka ee galbeedka dalka.
Xisbiga ayaa xusay in kastoo uu dhawaan ku biiray isbeheysiga Azimio , haddana uusan jirin is-afgarad gaar ah oo kala dhexeya ODM.
Xildhibaanka deegaan baarlamaneedka Saboti ee ismaamulka Trans-Nzoia,Caleb Amisi ayaa hoosta ka xarriiqay in Kenya ay ka jirto dimuqraadiyad siyaasadeed sidaas awgeedna aynan sax ahayn in musharrax loo xiro xil gaar ah.
Waxaa uu warbaahinta u sheegay inuu xalay khadka taleefoonka kula xiriiray Raila Odinga sidaas awgeedna uusan jirin heshiis la gaaray oo ku saabsan wararka la faafiyay.
Tani ayaa timid ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in xisbiga DAP-K uu musharraxiin ka soo istaajin doono ismaamullada Bungoma iyo Trans Nzoia halka ODM aan lagu faragelin doonin tartamada siyaasadeed ee Vihiga iyo Kakamega.
Dhanka kale madaxa xisbiga DAP-K ,Wafula Omunyinyi ayaa xusay in sababta ay u taageerayaan musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio , Raila Odinga ay aaminsan yihiin inuu awood siin doono nidaamka dowlad wadaajinta ee dalka ka dhaqan galay sanadkii 2013-kii.




