Xisbiga uu hogaamiyo Musalia Mudavadi ayaa isaga baxay isbahaysiga NASA ka dib markii hogaamiyaha Xisbigaas uu shaaciyay inuu u hanqal taagaya jagada madaxtinimada ee dalka.
Qaar ka mid ah mas’uuliyiinta xisbiga ANC ayaa shaaciyay inay isku raaceen in isbahaysiga NASA uu dhankooda ka dhintay.
Waxaa ayna sheegen in xilka ugu sareeya dalka ay la doonayaan doorashada guud ee 2022-ka Musalia Mudavadi.