Shirkan oo labo maalmood socday ay ka soo qayb galeen xubnaha golaha wasiirrada iyo xubnaha labada gole ee baarlamanka federaalka ee dalka Soomaaliya ayaa si gaar ah waxaa lagu falanqeeyay shaqaaqadihii dhacay ee dhimashada iyo dhaawaca gaystay.
Qodobbada ka soo baxay shirkan oo ay ka mid yihiin muhimadda sugidda amniga, xuriyadda bannaanbaxyada iyo ka dhowrsanaanta burburinta hantida dowladda iyo tan shacabka ayaa waxaa saxaafadda la wadaagey xildhibaan Maxamad Cumar Caymoy