DHAGEYSO:Xildhibaanka Lagdera oo ku baaqay in barasaabyada Waqooyi Bari ay mamnuucaan qaadka

0
417

Xildhibaanka deegaan baarlamaneedka Lagdera ee ismaamulka Garissa Cabdiqaadir Xuseen Maxamad ayaa barasaabka dowlad deegaankaasi Nadiif Jaamac Aadan iyo mas’uuliyiinta kale ee Wajeer iyo Mandera ugu baaqay in ay mamnuucaan in deegaanadooda la soo geliyo, lagu iibiyo sidoo kalena lagu dhex isticmaalo qaadka Mogokaa.
Waxaa uu shakhsiyaadka qaadka ka ganacsada ku boorriyay in ay raadiyaan waxyaabo kale oo uu qutul maalmeed ka soo geli karo.
Xildhibaanka ayaa ka hadlay saameynta qaadka uu ku leeyahay bulshada gaar ahaan dhallinyarada .
Waxaa uu barasaabka Garissa kula taliyay in uunan keliya soo saarin xeerar lagu xakameynaya ka ganacsiga qaadka balse in gebi ahaanba la mamnuuco.

Waxaa baaqan ku taageeray dhigiisa Dadaab Faarax Macallin Maxamad oo laamaha ammaanka ku boorriyay in ay la dagaallamaan xashiish uu xusay in laga soo geliyo dhanka Itoobiya.