Mudanaha laga soo doortay deegaan baarlamaneedka Koonfurta Pokot David Pkosing ayaa xabsiga laga siidaayay ka dib markii la xiray galinkii dambe ee shalay.
Waxaa laga qabtay xarunta shirarka caalamiga ee KICC ee magaalada Nairobi.
Pkosing ayaa xurriyadiisa dib u helay abaare 10:30 habeennimo ee xalay ka dib saacado su’aallo lagu waydiinayay xarunta dhexe ee waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da.
Waxaa uu ku eedeysnaa fududeynta howlaha kooxaha burcadda ee Waqooyiga gobolka Rift Valley in kastoo oo uu iska fogeeyay.
Mudanaha ayaa dhanka kale sheegay in maadaama uu yahay hoggaamiye la soo doortay uunan marnaba ka gaabin doonin inuu ka hadlo tabashooyinka amni ee shacabka uu baarlamaanka ku matalo xita haddii marar badan la xiro.