DHAGEYSO:Xildhibaanka Kiharu oo sheegay in si siman loogu adeegaya dhammaan Kenyaanka

0
160

Xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Kiharu ee ismaamulka Murang’a Ndindi Nyoro ayaa kenyaanka u xaqiijiyay in maamulka madaxweyne William Ruto uu si siman ugu adeegi doono shacabka iyadoo aan la eegayn gobolka ay ka soo jeedaan.
Nyoro oo ah guddoomiyaha guddiga baarlamaanka u qaabilsan qoondeynta miisaaniyadda qaranka ayaa xusay in aynan jiri doono qayb ka mid ah Kenya oo laga qadinaya mashaariicda horumarineed.
Siyaasigan ayaa tilmaamay in dowladda dhexe ay dejisay waxyaabaha ay mudnaanta siinaysa si loo wanaajiyo nolosha dhammaan muwaadiniinta.
Xilli uu deegaanka Nyakach ee ismaamulka Kisumu uga qayb galay munaasabad kaniiseed ayuu Ndindi Nyoro madaxweyne William Ruto ku amaanay inuu qaranka ku hoggaaminaya jahada saxda ah.
Xildhibaanka ayaa sheegay in 700 oo bilyan oo shilin loo qoondeeyay waaxda waxbarashada.