Xildhibaanka deegaanka Garissa Township ee ismaamulka Garissa Major Deeqow Maxamad Barrow ayaa walaac ka muujiyay tayada aan wanaagsanayn ee garoomada lagu cayaaro ee Garissa.
Waxaa uu ku baaqay in ismaamulka Garissa laga hirgeliyo fagaare wayn oo lagu qaban karo tartamada kubadda cagta.
Isagoo ka hadlayay muhiimadda tartamada cayaaraha ayuu xusay in ujeeddada laga leeyahay ay tahay in dhallinyarada looga mashquuliyo ku lug lahaanshaha dhibaatooyinka.
Mudanaha ayaa sidoo kale waalidiinta Garissa ugu baaqay in ay carruurtooda fursad u siiyaan ka qayb galka cayaaraha si ay hibadooda u soo bandhigaan.
Sidoo kale waxaa uu xusay in aynan mar dambe aqbali doonin in amni darro awgeed loo xiro jaamacadda Garissa sidii sanadkii 2015-kii xilligaasi oo uu qarax saameeyay jaamacadda.