DHAGEYSO:Xildhibaanka Garissa Township oo ku baaqay in la caawiyo danyarta

0
403

Mudanaha laga soo doortay deegaanka Garissa Township ee ismaamulka Garissa Aadan Barre ducaale ayaa bulshada muslimiinta ah ugu hambalyeeyay munaasabadda ciidul fidriga ee maanta loo dabaal degaya

Waxaa uu bulshada ku boorriyay in ay isku gargaaraan oo gacanta loo fidiyo danyarta iyada oo qof kasta laga doonayo inuu si gaar ah uga war qabo dariskiisa

Hoggaamiyihii hore ee aqlabiyadda baarlamaanka dalka Aadan Barre Ducaale ayaa sidoo kale dadweynaha ku boorriyay in aynan hilmaamin halista cudurka COVID19 oo ay farxadda qaybsadaan iyaga oo raacaya amarrada dowladda iyo talooyinka caafimaad ee lagu xakameynaya faafidda caabuqa corona

Waxaa uu mudanaha ugu dambeyn ka hadlay fasaxa Jimcada ee ay dowladdu horay u shaacisay isaga oo arrinkan uga mahadceliyay maamulka talada haya.

Dhanka kale mid ka mid ah waxgaradka ismaamulka Mandera ayaa shacabka u diray farriin hambalyo ah oo la xiriirta ciidda sidoo kalena in nabadgalyada lagu dadaalo