Xildhibaanka laga soo doortay deegaan baarlamaneedka Fafi ee ismaamulka Garissa Saalax Yaaquub oo warbaahinta Star faahfaahin ka siiyay baaxadda saameynta ka dhalatay roobabka da’ay ayaa sheegay in halkaasi ay ku barakaceen boqolkiiba 40 ilaa 50 ee qoysaska deggan.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in maadaama ay saameyn soo gaartay xeryaha qaxootiga in laga cabsi qabo nadaafad darro awgeed inuu dillaaco cudurka daacuunka.
Xildhibaanka Fafi ayaa sheegay inay wasaaradda difaaca ka codsadeen inay ku caawiso diyaarado gargaar loogu daabulo shacabka.