DHAGEYSO:Xildhibaanka Dadaab oo iska fogeeyay eedeyn uga timid barasaabka Garissa

0
697

Mudanaha laga soo doortay deegaan baarlamaneedka Dadaab ee ismaamulka Garissa Dr. Maxamad Daahiye Ducaale ayaa iska fogeeyay eedeyn uga timid guddoomiyaha dowlad deegaankaas Cali Bunow Qorane oo ahayd inuu 2000 oo qof ka qaatay min 100 kun oo shilin isaga oo ku daray liiska dadka kenyaanka ah ee laga saaraya faraha qaxootiga.
Xildhibaanka ayaa dalbaday in barasaabka uu soo bandhigo caddeynta eedeyntaasi waxaa uuna dhanka kale tilmaamay in ay hooseeyaan qaar ka mid ah adeegyada dowladda ismaamulka ay u fidiso shacabka kuwaasoo u baahan in wax laga qabto.