DHAGEYSO:Xildhibaanka Ceeldaas oo saraakiisha ammaanka uga digay qaadashada laaluushka

0
265

Xildhibaanka laga soo doortay deegaan baarlamaneedka Ceeldaas ee ismaamulka Wajeer Aadan Keynaan ayaa ciidamada ammaanka uga digay in ay laaluush qaataan si ay u fududaato in deegaankaasi la soo geliyo maandooriyaha uu xashiishka ka mid yahay.
Sidoo kale waxaa uu digniin u diray cid kasta oo ku howlan arrimaha tahriibka.
Aadan Keynaan ayaa booliiska u sheegay in aynan jirin cid ku soo faragelin doonto gudashada waajibaadkooda shaqo oo uu garab istaagi doono.
Hasa ahaate , waxaa uu xusuusiyay in ay qasab tahay inay la tacaalaan ka ganacsiga balwadda , tahriibka iyo tacaddiga ka dhanka ah haweenka.
Waxaa uu saraakiisha amniga u sheegay in haddii aynan sidan sameyn ay iyaga qaadanayaan mas’uuliyadda saameynta ka dhalato dhibaatooyinkan.