DHAGEYSO:Xildhibaanka Ceeldaas oo ka hadlay go’aankii ay maxkamadda ku ayiday guushiisi

0
247

Mudanaha deegaan baarlamaneedka Ceeldaas ee ismaamulka Wajeer Aadan Keynaan Weheliye ayaa soo dhaweeyay go’aankii ay shalay maxkamadda sare ee dalka ku ayiday guushiisi uga soo hooyatay doorashadii guud ee bishii Siddeedaad ee sanadkii hore.
Tani ayaa timid ka dib markii ay maxkamadda waxba kama jiraan ka soo qaaday dacwad uu maxkamadda u gudbiyay Axmad Booraay Caraale oo muran geliyay natiijada doorashada.
Hasa ahaate Keynaan ayaa hoosta ka xarriiqay in hadda la joogo xilligii la mideyn lahaa dadweynaha halkaasi ku nool iyadoo dhanka kale la dhameystiraya mashaariicda horumarineed ee hadda socdo.