Mudanaha laga soo doortay deegaanka bartamaha ismaamulka Kajiado ,Elijah Kanchory Memusi ayaa madaxweynaha dalka ugu baaqay inuu shaqo joojin ku sameeyo qaar ka mid ah saraakiisha dowladda sare oo adeegsaday hadallo iyo qoraallo laga dheehan karo inaynan sida uu hadalka u dhigay tixgelinayn culeysyada nololeed ee ay kenyaanka wajahayaan.
Waxaa uu hoggaamiyaha dalka ku boorriyey inuu arrintan ka hadlo oo uu isbeddel ku sameeyo golihiisa wasiirrada.
Xildhibaanka ayaa hoosta ka xarriiqay in aynan caqligal ahayn in iyadoo shacabka ay la daala dhacayaan sicir barar nololeed in haddana dhanka kale qaar ka mid ah mas’uuliyiintii loo magacaabay inay xal keenaan ay adeegsanayaan oraah la dhibsado.