DHAGEYSO:Xildhibaanka bariga Embakasi oo sheegay in qof u dhashay Talyaaniga uu leeyahay dhulka Kirima

0
309

Xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Bariga Embakasi ee ismaamulka Nairobi Paul Ongili oo loo yaqaano Babu Owino ayaa sheegaya in baaritaano uu sameeyay ka dib uu xaqiijiyay in milkiilaha saxda ah ee dhulka ku yaalla Njiru oo deegaankaasi ka tirsan uu yahay Domenico DiMasi oo dhalasho ahaan ka soo jeedo Talyaaniga.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii maxkamadda arrimaha deegaanka iyo dhulalka ee ismaamulka Kisumu ay in ka badan 300 oo qoys oo halkaasi deggan u qabatay muddo 70 cishe ah oo ay uga guurayaan haddii kalena in 1-da bisha Jannaayo ee sanadka soo socdo dhulkaasi laga rari doono.
Maxkamadda ayaa tixgelisay dacwad ay gudbiyeen qoyska Gerishon Kamau Kirima oo sheeganaya dhulkaasi.
Kirima oo soo noqday duqii magaalada Nairobi iyo xildhibaankii deegaanka Starehe ayaa isagoo 88 sano jir ah geeriyooday sanadkii 2010-kii.
Maxkamadda Kisumu ayaa sheegtay in 70 cishe ka dib dhulkaasi oo ka kooban ilaa 1,000 eekar lagu wareejin doono qoyska Kirima.
Hasa ahaate mudanaha Bariga Embakasi ayaa hoosta ka xarriiqay in sheegashada qoyska Kirima aynan sax ahayn.
Wuxuu intaasi ku daray inuu milkiilaha dhulkan uu ka keenay Talyaaniga oo uu hadda ku sugan yahay gudaha Kenya.
Babu Owino ayaa sheegaya in muwaadinkan u dhashay Talyaaniga uu dhulka iibsaday sanadkii 1966-dii sidaasi awgeedna aynan dhulkaasi lahayn Kirima iyo qoyskiisaba.
Siyaasigan ayaa xusay inuu hayo sabarloogo rasmi ah oo ay xilligaasi dowladda siisay Domenico.
Waxaa uu intaasi ku daray inay maxkamadda u gudbin doonaan dacwad dib lagula wareegaya dhulka isagoo qoyska Kirima ka dalbaday inay soo bandhigaan caddeymaha ay haystaan ee muujinaya lahaanshaha dhulka Njiru.