DHAGEYSO:Xildhibaanka bariga Embakasi oo laga soo wareejiyay saldhig ku yaalla Kirinyaga

0
358

Mudanaha deegaan baarlamaneedka bariga Embakasi ee ismaamulka Nairobi , Paul Ongili oo loo yaqaano Babu Owino ayaa saaka laga soo wareejiyay saldhigga booliiska ee Wang’uru oo ku yaalla deegaanka Mwea ee ismaamulka Kirinyaga.
Xildhibaanka oo habeenkii ay Arbacada soo galeysay laga qabtay garoonka caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA ee magaaalada Nairobi ayaa halkaasi lagu hayay.
Waxaa saaka xarunta booliiska ee Wang’uru tagay xubnaha qoyska mudanaha oo uu weheliyo qareenkiisa ,Ndegwa Njiru oo hoosta ka xarriiqay in dastuurka dalka uunan qabin in qof lagu haayo saldhig booliis wax ka badan 24 saacadood isagoo aan maxkamad la soo taagin.
Waxaa uu qareenka intaasi ku daray inuu helay xog ah in hoggaamiyihii kooxda Mungiki , Maina Njenga oo xalay fiidkii laga qabtay ismaamulka Kajiado in isagana lagu hayo saldhigga booliiska ee Wang’uru.

Warar dhawaan soo baxay ayaa sheegaya in xildhibaanka deegaanka bariga Embakasi la geeyay saldhigga dhexe ee booliiska ee magaalada Nairobi .