DHAGEYSO:Xildhibaanada oo loogu baaqay inay dib u eegis ku sameeyaan miisaaniyadda qaranka

0
814

Shacabka ismaamulka Samburu ayaa xildhibaannada baarlamaanka iyo senatarrada aqalka sare ee dalka ku boorriyay inay si qoto dheer u eegaan miisaaniyadda qaranka oo uu shalay soo bandhigay wasiirka maaliyadda Ukur Yatani.
Miisaaniyadda ayaa gaaraysa 3.3 tiriliyoon oo shilin.
Hasa ahaate dadweynaha oo ay ka mid yihiin ganacsatada ku shaqeysta mootooyinka ayaa ku doodaya in dejinta qorshaha miisaaniyadeed aan lagu saleyn la tacaalidda baahiyaha ugu waawayn ee kenyaanka haysta.
Qaar ka mid ah shacabka Samburu oo warbaahinta la hadlay ayaa dareenkooda sidan u muujiyay.