Xildhibaanka laga soo doortay deegaan baarlamaneedka Bartamaha ismaamulka Turkana Joseph Namuar ayaa shacabka deegaankaasi ka raali geliyay inuu codkiisa ku taageeray hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan ee Finance Bill 2024.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo madaxweynaha dalka William Ruto uu dhawaan meesha ka saaray qorshahan in kastoo uu baarlamaanka ansixiyay.
Namuar oo ka tirsan xisbiga talada waddanka haya ee UDA ayaa tallaabada uu qaaday u aaneeyay in ismaamulka Turkana uu waxyaabo badan ka faa’iiday maamulka Kenya Kwanza sida in shakhsiyaad halkaasi ka soo jeedo loo magacaabay safiirro.
Shacabka Bartamaha Turkana oo aqbalay raali gelinta xildhibaankooda ayaa ka dalbaday inuunan mar kale ku laaban khaladkii uu sameeyay.




