Xildhibaanka laga soo doortay deegaan baarlamaneedka Mogotio ee ismaamulka Baringo Reuben Kiborek ayaa soo jeediyay in baarlamaanka uu dhimo miisaaniyadda la siiyo waaxda cadaaladda ee dalka haddii sida uu hadalka u dhigay ay garsoorayaasha sii wadaan inay caqabad ku noqdaan fulinta mashaariicda horumarineed ee dowladda dhexe sida caafimaadka iyo guriyeynta.
Tani ayaa imaanaysa ka dib markii uu hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kimani Ichung’wa shalay ku hanjabay inay dhimi doonaan miisaaniyadda garsoorka.
Dhawaan ayay ahayd markii ay maxkamadda racfaanka ee dalka ayiday go’aankii 28-kii bishii 11-aad ee sanadkii hore ay maxkamadda sare ku hakisay dhaqangelinta canshuurta guriyeynta.
Waxay maxkamaduhu sharci darro ku tilmaameen in bil kasta dadka shaqeeya iyo xarumaha ay ka howlgalaan laga jaro boqolkiiba min 1.5 ee mushaarka si lacagtan loogu biiriyo sanduuqa mashruuca guriyeynta.




